Horudhac
“Ubadku waa ubax qurux badan oo u baahan in si wanaagsan loo waraabiyo, loona ilaaliyo qorraxda gubta iyo dabaylaha qadhaadh. Haddii hagardaamo iyo dayac ku hareereeyaan, ubaxaas wuu engegi karaa. Mustaqbalka ubadku waa mas’uuliyad wadaag, hagardaamadooduna waa khasaaro bulsho oo aan la qiyaasi karin.”
Hagardaamaynta Ubadka iyo Mustaqbalkooda Qaybta 3aad
1. Hagardaamada Jacayl La’aanta;
Ubad aan helin jacayl iyo daryeel joogto ah waxay dareemaan kelinimo, taasoo dhaawac u geysata mustaqbalkooda.
2. Hagardaamada Qoyska Gudihiisa;
Isqabqabsiga joogtada ah ee waalidiinta wuxuu abuurtaa dhaawac nafsi ah oo ku reeba ubadka.
3. Hagardaamada Waxbarashada;
Marka ubadka laga hor istaago waxbarasho tayo leh ama la dayaco tacliintooda, mustaqbalkooda waxaa lagu ridaa mugdi.
4. Hagardaamada Dhaqaalaha;
Saboolnimo iyo fursad la’aan dhaqaale waxay ubadka ku riixdaa shaqo caruurnimo iyo tahriib khatar ah.
5. Hagardaamada Bulshada;
Bulsho aan ubadka u diyaarin meel nabad iyo nolol fiican, waxay ku khasbaysaa inay ku barbaaraan caado xun iyo anshax darro.
6. Hagardaamada Saaxiibada;
Saaxiib xun wuxuu burburiyaa riyooyin badan, wuxuuna ubadka u horseedaa dariiq qaldan.
7. Hagardaamada Teknolojiyadda;
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee telefoonka iyo internet-ka wuxuu carqaladeeyaa horumarka maskaxeed iyo mustaqbalka ubadka.
8. Hagardaamada Caafimaadka;
Cunto xumo, nadaafad la’aan iyo caafimaad darro waxay curyaamiyaan awoodda ubadka ee mustaqbalka.
9. Hagardaamada Maskaxda;
Eray xun oo joogto ah iyo niyad-jabin badan waxay dhaawacaan maskaxda ubadka, ayna ka hor istaagaan himilooyin waaweyn.
10. Hagardaamada Dhaqan La’aanta;
Marka ubadka lagu barbaariyo dhaqammo gurracan, waxay lumaan akhlaaq iyo qiime bulsho.
11. Hagardaamada Daryeel La’aanta;
Marka ubadka loo dayaco sidii aanay masuuliyad lahayn, waxay ku koraan dhaawac iyo jahwareer mustaqbal.
Gunaanad Guud:
Ubadku waa iftiinka berrito; hagardaamayntooduna waa mugdiga qaranka. Haddii aan maanta la daryeelin, la ilaaliyo, lana hagin, berri looma heli doono jiil dhisa mustaqbal ifaya. Daryeelka ubadka waa kaydka ugu qaalisan ee qaran leeyahay.
0 Comments